shape
shape

Jaamacadda Boosaaso Garoowe oo Markii 13-aad Qabatay Barnaamijka Tusmayn iyo Talowadaag

Garoowe, 16 Sebtembar 2026 – Jaamacadda Boosaaso Garoowe ayaa markii 13-aad qabatay barnaamijka Tusmayn iyo Talowadaag, oo loogu talagalay hagidda ardayda hiigsanaysa tacliinta sare, si ay u ogaadaan awoodahooda, xiisahooda iyo kulliyadaha ku habboon ee ay dooran karaan marka ay bilaabayaan waxbarashadooda jaamacadeed. Barnaamijkan ayaa door muhiim ah ka qaata wacyigelinta iyo hagidda ardayda, isaga oo ka caawinaya inay si wanaagsan u fahmaan fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan, isla markaana ay go’aanno xog ogaal ah ka gaaraan mustaqbalkooda waxbarasho iyo xirfadeed. Jaamacadda Boosaaso Garoowe waxay aaminsan tahay in doorashada saxda ah ee kulliyadda iyo barnaamijka waxbarasho ay saldhig u tahay horumarka ardayga iyo ka qaybqaadashadiisa horumarinta bulshada. Sidaas darteed, barnaamijka Tusmayn iyo Talowadaag wuxuu qayb ka yahay dadaallada jaamacaddu ugu jirto dhiirrigelinta waxbarashada, horumarinta kartida dhallinyarada iyo diyaarinta jiil aqoon iyo xirfad leh. Jaamacadda Boosaaso Garoowe waxay sii wadaysaa dadaallada lagu taageerayo ardayda, si ay u helaan hagid waxbarasho oo ku habboon, una dhistaan mustaqbal ku salaysan aqoon, karti iyo himilo. Jaamacadda Boosaaso Garoowe – Building Better Community.

Leave A Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *