HESHIIS IS-AFGARAD: JAAMACADDA BOOSAASO GAROOWE IYO JAAMACADDA SIMAD
Jaamacadda Boosaaso – Garoowe iyo Jaamacadda SIMAD University ee magaalada Muqdisho, ayaa heshiis is af-garad iyo wada shaqayn ah ku wada saxiixday Magaalada Muqdisho. Heshiiskan ayaa ku qotoma wada shaqayn iyo iskaashi dhexmara labada jaamacadood ee dhinacyada waxbarashada, isdhaafsiga shaqaalaha, cilmibaarista, horumarinta iyo tiknooloojiyadda. Â