Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garoowe, ayaa caawa qabatay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhoweynayay ardayda cusub ee sannad jaamacadeedka 2026-2027 ku soo biirtay jaamacadda.
Munaasabadda ayaa qayb ka ahayd dadaallada jaamacaddu ugu diyaar-garowday soo dhoweynta ardayda cusub, si ay u helaan faham wanaagsan oo ku saabsan nidaamka waxbarashada sare iyo marxaladda cusub ee waxbarasho ee ay bilaabayaan.
Barnaamijka waxaa marti ku ahaa Ustaad Muxiyaddiin Cabdi Faarax, kaas oo ardayda cusub u jeediyay khudbad isugu jirtay dhiirrigelin, dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah, kuna saabsanayd “Fahamka Nidaamka Waxbarashada Sare (Understanding the Higher Education System).”
Khudbaddiisa, Ustaad Muxiyaddiin ayaa si qoto dheer uga hadlay fahamka nidaamka waxbarashada jaamacadeed, masuuliyadda ardayga, muhiimadda dadaalka iyo joogtaynta waxbarashada, iyo doorka aqoontu ku leedahay horumarka qofka iyo bulshada.
Munaasabaddan ayaa fursad wanaagsan u ahayd ardayda cusub si ay u helaan dhiirrigelin iyo hagitaan ku saabsan safarkooda waxbarasho, iyagoo bilaabaya marxalad cusub oo u baahan dadaal, karti, dulqaad iyo himilo fog.
Jaamacadda Boosaaso – Garoowe waxay dhammaan ardayda cusub u rajaynaysaa guul iyo horumar waxbarasho, waxayna ku dhiirrigelinaysaa inay ka faa’iidaystaan fursadda waxbarasho ee ay heleen, si ay mustaqbal wanaagsan ugu dhistaan naftooda iyo bulshadooda.
Jaamacadda Boosaaso – Building Better Community.