shape
shape
  • Home
  • Academic
  • Xafladda Qalinjebinta Dufcadda 9aad ee Jaamacadda Boosaaso – Garoowe

Taariikh: 27 November 2025

Garoowe, Puntland – Jaamacadda Boosaaso – Garoowe (University of Bosaso – Garoowe) ayaa si rasmi ah u qabatay Xafladda Qalinjebinta Dufcaddii 9aad, iyadoo munaasabaddaasi ay ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, kana muuqatay farxad, sharaf iyo guul ay wadaagaan ardayda qalinjabisay, waalidiinta, marti-sharafta iyo bahda jaamacadda.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, madaxda Jaamacadda, aqoonyahanno, marti sharaf kala duwan, waalidiin iyo bulshada inteeda kale, kuwaas oo hambalyo iyo dardaaran u jeediyay ardayda qalinjebisay.

Dufcaddan 9aad ayaa ka qalinjebisay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddu bixiso, iyagoo soo dhammaystay waxbarashadoodii jaamacadeed kadib dadaal iyo karti ay muujiyeen sannadihii ay waxbarashada ku jireen. Qalinjebintoodu waxay astaan u tahay guul waxbarasho iyo diyaar u ahaanshaha inay door muuqda ka qaataan horumarka bulshada iyo dalka.

Madaxda Jaamacadda Boosaaso – Garoowe ayaa hambalyo u dirtay dhammaan ardayda qalinjebisay iyo waalidiintooda, iyagoo ku boorriyay inay aqoontooda u adeegsadaan adeegga bulshada, horumarinta dalkooda iyo ilaalinta anshaxa iyo qiyamka wanaagsan.

Jaamacadda Boosaaso – Garoowe waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay bixinta waxbarasho tayo leh, horumarinta cilmi-baarista, iyo soo saarista aqoonyahanno leh xirfad, hufnaan iyo hoggaan bulshada wax ku biiriya.

University of Bosaso – Garoowe
Building Better Community

Leave A Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *