shape
shape
  • Home
  • News & Announcement
  • Jaamacadda Boosaaso – Garoowe iyo Global Health Alliance oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi iyo Wada-shaqayn

Jaamacadda Boosaaso – Garoowe iyo Global Health Alliance oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi iyo Wada-shaqayn

Garoowe, 1-11-2026 – Jaamacadda Boosaaso – Garoowe iyo hay’adda caalamiga ah ee Global Health Alliance ayaa xarunta Jaamacadda Boosaaso – Garoowe ku kala saxiixday heshiis iskaashi iyo wada-shaqayn, kaas oo ujeeddadiisu tahay kor u qaadista tayada waxbarashada caafimaadka, xoojinta cilmi-baarista iyo horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada.

Heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada Jaamacadda Boosaaso ay ku horumarinayso tayada waxbarashada sare iyo kobcinta xirfadaha ardayda, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah.

Heshiiska ayaa diiradda saaraya saddex arrimood oo muhiim ah:

1. Tayaynta Waxbarashada Caafimaadka

Xoojinta aqoonta iyo awoodda ardayda, horumarinta xirfadaha wax-ku-oolka ah iyo tayaynta manhajyada kulliyadaha caafimaadka si loo diyaariyo xirfadlayaal caafimaad oo leh aqoon iyo karti ku filan.

2. Cilmi-baaris Wadajir ah

Dhiirrigelinta iyo hirgelinta cilmi-baaris wadajir ah oo lagu daraasaynayo arrimaha caafimaadka bulshada, laguna raadinayo xalal cilmiyeed oo wax ku ool u ah caqabadaha caafimaad ee jira.

3. Horumarinta Adeegyada Caafimaadka Bulshada

Ballaarinta iyo kor u qaadidda adeegyada caafimaadka ee bulshada, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu gaarsiinayo adeegyo caafimaad oo tayo leh bulshada deegaanka.

Iskaashigan ayaa muujinaya sida ay Jaamacadda Boosaaso – Garoowe uga go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah, horumarinta waxbarashada caafimaadka iyo ka qayb qaadashada horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada.

Jaamacadda Boosaaso – Garoowe: Building Better Community.

Leave A Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *