shape
shape
  • Home
  • News & Announcement
  • Jaamacadda Boosaaso Garoowe (UOB-G) iyo Jaamacadda IIUM ee Dalka Malaysiya oo Si Rasmi ah Uwada Saxiixday Heshiis Iskaashi Wadajir (MoU)

𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐬𝐚𝐚𝐬𝐨 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞 (𝐔𝐎𝐁-𝐆) 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐈𝐔𝐌 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐥𝐚𝐲𝐬𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐒𝐢 𝐑𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐔 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐣𝐢𝐫 (𝐌𝐨𝐔)

Waftigii ka socday University of Bosaso – Garowe ee maalmahan ku sugnaa dalka Malaysia ayaa si rasmi ah u saxiixay Heshiis Is afgarad iyo Iskaashi Wadajir (Memorandum of Understanding) oo ay la galeen International Islamic University Malaysia IIUM.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa dhabbaha u xaaraya iskaashi qoto dheer oo dhex mara labada jaamacadood, kaas oo diiradda lagu saarayo:
• Kor u qaadista tayada waxbarashada,
• Horumarinta cilmi baarista,
• Is-dhaafsiga khibradaha tacliimeed,
• Kobcinta barnaamijyada wada-shaqaynta ee mustaqbalka fog.

Xafladda saxiixa ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee International Islamic University Malaysia (IIUM Gombak Campus), Kuala Lumpur, Malaysia iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin sare oo ka kala socday labada dhinac.

Dhanka Jaamacadda Boosaaso – Garoowe, saxiixa waxaa ku matalayay Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Mohamed Ali Mohamoud, oo ay wehelinayeen Guddoomiye Ku xigeenka iyo Hormuudka Daraasaadka Sare.

Dhanka IIUM, waxaa heshiiska ku matalayay Rectorka Jaamacadda IIUM Prof. Emeritus Datuk Dr. Osman Baker, oo ay weheliyaan xubno sare oo ka socda Kulliyadda Caafimaadka ee IIUM.
Heshiiskan cusub ayaa waddada u xaaraya mashaariic ballaaran oo iskaashi oo mustaqbalka dhow la hirgelin doono

Leave A Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *