Jaamacadda Boosaaso – Garoowe iyo Hay’adda Cilmi-baarista Heritage ayaa si rasmi ah u kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada cilmi-baarista, aqoonta, tababarrada iyo horumarinta bulshada.
Heshiiskan wuxuu muhiim u yahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha aqoonta iyo cilmi-baarista, iyadoo labada dhinac ay iska kaashan doonaan abuurista fursado wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo cilmi-baarista, kobcinta aqoonta iyo dhisidda awoodda xirfadeed.
Heshiiska ayaa sidoo kale muujinaya sida ay labada hay’adood uga go’an tahay in ay iska kaashadaan barnaamijyo iyo hawlo cilmi-baariseed oo wax ka tari kara horumarinta aqoonta iyo bulshada.
















