shape
shape
  • Home
  • News & Announcement
  • Ardayda Kulliyadda Medicine-ka ee Jaamacadda Boosaaso – Garoowe oo Tababar Waxbarasho ku Qaadanaya Jaamacadda Jigjiga

Iyadoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Jaamacadda Boosaaso – Garoowe ay ugu jirto tayaynta waxbarashada caafimaadka iyo kobcinta xirfadaha ardayda, ardayda Kulliyadda Medicine-ka ayaa tababar waxbarasho oo heer sare ah ku qaadanaya Jaamacadda Jigjiga.

Inta uu socdo tababarku, ardaydu waxay si toos ah uga qayb qaadanayaan casharro iyo tababaro la xiriira maadada Anatomy, kuwaas oo isugu jira qaybaha 3D Dissection, Histology, iyo Upper & Lower Limb Anatomy. Tababarradani waxay siinayaan ardayda fursad ay ku xoojiyaan fahamkooda cilmiga anatomy-ga iyagoo adeegsanaya farsamooyin casri ah iyo qalab waxbarasho oo horumarsan.

Barnaamijkani wuxuu qayb muhiim ah ka yahay himilada Jaamacadda Boosaaso – Garoowe ee ah in ardaydeedu helaan waxbarasho tayo sare leh oo isku dhafan aqoon aragtiyeed iyo tababarro wax-ku-ool ah, kuwaas oo u diyaarinaya inay noqdaan dhakhaatiir xirfad leh oo bulshada si hufan ugu adeegta.

Jaamacaddu waxay sii wadaysaa xoojinta iskaashiyada ay la leedahay jaamacadaha iyo xarumaha caafimaadka ee gobolka, si loo abuuro fursado waxbarasho oo ballaaran, loona horumariyo tayada waxbarashada caafimaadka.

Building Better Community

University of Bosaso – Garoowe

sawirro:

Leave A Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *