shape
shape
  • Home
  • News & Announcement
  • SAWIRO: Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo ay ku qalin jabinayeen Ducaddii 7-aad ee Ardayda Jaamacadda Boosaaso Garowe
SAWIRO: Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo ay ku qalin jabinayeen Ducaddii 7-aad ee Ardayda Jaamacadda Boosaaso Garowe
University of Bosaso – Garowe: Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo ay ku qalin jabinayeen Ducaddii 7-aad ee Ardayda Jaamacadda Boosaaso Garowe ayaa ka dhacday gudaha Jamaacdda, taas oo shahaadooyin iyo abaalmarrino lagu guddoonsiiyay Ardaydii kaalmaha Sare ka galay sanad Jaamacadda.
“375 Arday oo isugu jira kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda ayaa ka qalinjabisay Jaamacadda kuwaas oo xalay farxadda qali jabintooda ay kala qeyb qaateen waalidiintooda”
Munaasibadda waxaa kasoo qeyb galay Maamulka Jaamacadda, Macalimiinta, Aa-saasayaasha Jaamacdda, Aqoonyahanno, madax kasocotay Jaamacddaha Jigjiga & Simmad (Muqdisho) kuwaas oo xiriir wada shaqeyneed laleh Jaamacadda Boosaaso, Wasiiro katirsan xukuumadda Pl iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasibadda.
“Maamulka Jaamacadda Boosaaso Garowe ayaa si mugleh waxay ugu mahad celiyeen dhammaan dadkii kasoo qeyb galay xafladda qalinjabinta Ardayda Ducaddii 7-aad, gaar ahaan waalidiinta Ardaydda muddada dheer u soo dhabar adeegay heerka maanta ay gaareen.”
Jamacdda Boosaaso ayaa kamid ah Jaamacadaha dalka ee kaal maha koowaad kaga jira Waxbarashadda & Soosaarista jiilasha cusub ee dalka waxtarka uleh.

Comments are closed