Wafdi uu Hoggaaminayo Safiirka Indonesia oo Booqasho Ku Yimid Jaamacadda Boosaaso – Garoowe
Garoowe, 6 Agoosto 2026 — Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u fadhiya Soomaaliya, Uganda, Kenya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DR Congo), UNEP iyo UN-HABITAT, Danijre Witjaksono Adji, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Jaamacadda Boosaaso – Garoowe.
Wafdiga ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay maamulka Jaamacadda Boosaaso – Garoowe, iyagoo booqashadooda ku bilaabay Xarunta Daraasaadka Sare (CPS) ee jaamacadda.
Intii ay booqashada ku guda jireen, maamulka jaamacaddu waxay wafdiga u soo bandhigeen barnaamijyada waxbarasho ee jaamacadda, qorshayaasha horumarineed, iyo dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada, cilmi-baarista iyo hal-abuurka.
Booqashadan ayaa fursad muhiim ah u ahayd in labada dhinac ay is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan xoojinta iskaashiga waxbarasho, cilmi-baarista iyo xiriirrada caalamiga ah, iyadoo Jaamacadda Boosaaso – Garoowe ay sii waddo dadaallada ay ku ballaarinayso iskaashigeeda hay’adaha iyo jaamacadaha caalamiga ah.
Jaamacaddu waxay sidoo kale muujisay sida ay uga go’an tahay in ay dhisto xiriirro wax-ku-ool ah oo caalami ah, kuwaas oo horseedi kara fursado cusub oo dhinacyada waxbarashada, cilmi-baarista iyo horumarinta aqoonta ah.
Booqashada Safiirka iyo wafdigiisa ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirrada iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Indonesia, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta aqoonta.















































