shape
shape
  • Home
  • News & Announcement
  • Jaamacadda Boosaaso – Garoowe oo Martigelisay Shirweyne Ku Saabsan Tayaynta Siyaasadaha Caafimaadka iyo Horumarinta Cilmibaarista
Jaamacadda Boosaaso – Garoowe oo Martigelisay Shirweyne Ku Saabsan Tayaynta Siyaasadaha Caafimaadka iyo Horumarinta Cilmibaarista

Garoowe, Soomaaliya – Jaamacadda Boosaaso Garoowe , gaar ahaan Xarunta Hal-abuurka, Horumarinta iyo Cilmibaarista (Center for Applied Development, Innovation and Research CADIR), aya si rasmi ah u qabatay shirweyne heer sare ah oo diiradda lagu saaray tayaynta siyaasadaha caafimaadka iyo doorka cilmibaaristu ku leedahay dhismaha nidaam caafimaad oo adkaysi leh, waxtar leh, isla markaana horumar joogto ah sameeya.

Shirkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in la abuuro madal ay ku kulmaan masuuliyiinta dowladda, hay’adaha caalamiga ah, jaamacadaha, cilmi-baarayaasha iyo khubarada caafimaadka si ay uga wada hadlaan caqabadaha horyaalla adeegyada caafimaadka iyo fursadaha lagu horumarin karo iyada oo la adeegsanayo cilmibaaris tayo leh iyo siyaasado ku saleysan xog iyo caddeymo.

Shirweynaha waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Puntland, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane


Shirweynaha waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DPL, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorshaynta DPL, Mudane Maxamed Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada DPL, Mudane Maxamed Soomajeeste, hay’ado caalami ah, jaamacado ka yimid dibadda dalka, aqoonyahanno, arday jaamacadeed iyo marti sharaf kale oo kala duwan.

Madasha waxaa lagu soo bandhigay waraaqo iyo cilmibaarisyo ay soo jeediyeen aqoonyahanno Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaantood diiradda saaraya sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaadka loona heli lahaa xalal waara.

sawiro:

Comments are closed