Kulliyadda culuumta bulshada ee University of Bosaso – Garowe ayaa xaflad soo dhaweyn ah u qabatay ardeyda cusub ee Kulliyadda kusoo biirtay sanad jaamacadeedkan 2023-2024.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad golaha dawladda Puntland mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan, Guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Marwo Fawsiyo, Hormuudka kulliyadda culuumta bulshada, Macalimiinta jaamacadda iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgashay soo dhaweynta ardeyda cusub.
Intii xafladdu socotay waxaa ardeyda cusub lala wadaagay talooyin muhiim u ah hayaan kooda waxbarashada sare.