SAWIRRO: Ardayda Jaamacadda Bosaso-Garoowe oo doortay guddoomiyaha Midowga Ardayda.

University of Bosaso Garowe, Ardayda Jaamacadda, ayaa doorasho qof iyo cod oo ka dhacday xarunta wayn ee Garoowe ku doortay  guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda.
Doorashada oo wakhti dheer qaatay waxaa markii ay soo dhammaatay natiijada waxaa ku dhawaaqay, guddoomiyaha guddiga doorashadda midowga ardayda jaamacadda Bosaaaso-Garoowe Ibraahim Sayid Cali, waxaana ku guulaystay Abdirahman Mohamed Abdiqadir Gaacir.
Musharaxiinta ardaydu waxay codadka u kala heleen sidan.
Musharrax 3-aad Ishaq Omer Mohamud Seex-seexay 301 cod,
Musharrax 2-aad Ahmed Warsame Nur Horeeye 354 cod,
Musharraxa kaalinta kowaad galay Abdirahman Mohamed Abdiqadir Gaacir 589 cod
Waxa sidaas guddoomiyaha midowga ardayda ku noqday
Abdirahman Mohamed Abdiqadir Gaacir.
Doorashada waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha Jaamacadda Dr, Maxamed Cali Maslax, guddoomiyaha ku xigeenka guddiga KMG ee doorashooyinka DPL Cali dhagacadde,Duqa degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi ,wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL, Mudane Maxamed Musadaq Maxamed, maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda iyo marti sharaf kale.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *