University of Bosaso – Garowe ayaa caawa lagu Soo gabagabeeyay madasha Tusmayn iyo Talo wadaag, taasoo sanadkiiba mar la qabto.

 University of Bosaso – Garowe ayaa caawa lagu Soo gabagabeeyay madasha Tusmayn iyo Talo wadaag, taasoo sanadkiiba mar la qabto.
Kulanka Tusmayn iyo Talowadaag oo ah kulan sannad leh waxaa sannadka ku casunnaa Prof. Abdirazak Abdullahi Hashi oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed oo ka tirsan jaamacadda IIUM Malaysia,
Prof. Ku wuxuu ardayda u jeediyay mawduuc ka hadlayay Tilmaamaha iyo doorka ardayga Jaamiciga ah.
Madashan oo hal ku dhigeedu ahaa “Hagidda ardayda hiigsanaysa tacliin sare” waxana kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Dr, Maxamed Cali Faarax, Guddoomiyaha Jaamacadda University of Bosaso Garoowe Dr, Maxamed Cali Maslax aqoonyahno, maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda, Ardayda sanadkaan kasoo qalinjabiyay dugsiyada sare ee Puntland iyo marti sharaf kale.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *