#Sawirro: Munaasabad lagu sagootinayay Sadex dhakhaatiir oo takhakhus Waxbarasho University of Bosaso – Garowe ugu dirtay dalka Uganda

 Munaasabad lagu sagootinayay Sadex dhakhaatiir oo takhakhus Waxbarasho University of Bosaso – Garowe ugu dirtay dalka Uganda, ayaa caawa lagu qabtay Hotelka Martisoor ee Caasimadda Puntland Garoowe.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Wasiir ku xigeenka Cadaaladda Puntland, Guddoomiyaha Jaamacadda University of Bosaso – Garoowe, qaybo ka mid ah Maamulka Jaamacadda, Arday iyo marti-sharaf kale, ayaa ka qeybgalay munaasabaddan.
Guddoomiyaha University of Bosaso-Garowe Dr. Maxamed Cali Maslax ayaa sheegay in tallaabadan ay dhakhaatiirta Jaamacaddu ku dirayso ay tahay qorshe lagu horumarinayo shaqaalaha Jaamacadda, isagoo kula dardaarmay barayaasha fursadan muhiimka ah ee takhakhuska ah muddada sadexda sano ah ee ay maqan yihiin inay soo dhamayastaan.
Dr. Axmed Gootaale oo ah Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka, ayaa xusay in Macalimiintan aqoon karorsigoodu uu muhiim u yahay Kulliyadda, isagoo maamulka Jaamacadda uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixinayaan tacliinta sare,taasoo waxtar weyn u leh shacabka Puntland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Dhakhaatiirta la sagootiyay oo kala Dr. Fatima Abdullahi Nur
Dr. Ahmed Mohamed Nur(Dr. Irshaad) iyo Dr. Abdullahi Abdirazak Farah (Dr. Neero ayaa dhankooda ka mahadceliyay fursada waxbarasho ee Jaamacaddu siisay, iyagoo ballanqaaday inay kasoo faa’idaysan doonaan, sidoo kalena ay dib ugu soo celin doonaan dalka aqoonta ay soo kororsadaan.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Dr. Maxamed Cali Faarah iyo Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa deeqdaan waxbarasho ku tilmaamay tallaabo horumar ah oo Jaamacaddu horay u qaaday, waxaayna dhakhaatiirta ku dhiirageliyeen inay si wanaagsan uga soo faa’ideystaan.
Ugu dambeeyn, Wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa ballanqaaday in Wasaaradda Waxbarashadu ay ‘University of Bosaso’ siin doonto saddex arday oo ah takhakhus “Master Digree”, si loo dhiiragaliyo dadaalka hormarineed ee Univesity Of Bosaso-Garowe.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *