#Prof. Cabdirisaaq Cabdullaahi Xaashi oo ah Madaxa Xarumaha Jaamacadda #IIUM Faraca Kuantan #Malaysia oo booqasho ku yimid University of Bosaso – Garowe ayaa tababar ku saabsan Cilmi-baarista la wadaagey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda.
Tababarkaan oo muddo saddex cisho ah soconaya ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi heerka Cilmi-baarista University Of Bosaso-Garowe oo mar walba u heelan koru qaadista aqoonta bulshada iyo soo saarista aqoon yahanka Soomaaliyeed.