HESHIIS IS-AFGARAD: JAAMACADDA BOOSAASO – GAROOWE iyo JAAMACADDA MAKERERE

Jaamacadda Boosaaso – Garoowe iyo Jaamacadda Makerere ee dalka Uganda ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad. Heshiiska labada jaamacadood ayaa ah mid labada jaamacadood iska kaashanayaan cilmi baarista, tababarad iyo isdhaafsiga khibradaha shaqaalaha.
Guddoomiyaha jaamacadda Boosaaso – Garoowe Dr. Maxamed Cali Maslax iyo Guddoomiye ku xigeenka horumarinta hal-abuurka iyo agaasinka cilmi baarista jaamacadda Makerere Prof. Wamala Robert ayaa heshiiska qalinka ku duugay.
Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare dowladda Puntland, Mudane Cabdulaahi Maxamed Xasan iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, ayaa goob joog ka ahaa heshiiska labada jaamacadood kala saxiixdeen.

Leave a Comment

Your email address will not be published.